Dhinowda, Mudug (Raxanreeb Online): Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa magaalada Dhinowda ee gobolka Mudug kaga dhawaaqay gogol nabadeed oo lagu qabanayo magaalada Garoowe, kaas oo looga gol leeyahay in dib loo soo celiyo wada-noolaanshaha iyo isku-xirnaanta bulshada Towfiiq iyo Dhinowda.
Madaxweyne Deni ayaa sheegay in gogosha nabadeed ay saldhig u noqon doonto dadaallada lagu soo afjarayo colaadaha iyo khilaafaadka ka dhex jira bulshada deegaanka, iyadoo la doonayo in la xoojiyo nabadda, wada-hadalka iyo isu-soo-dhawaanshaha bulshada.
Deni ayaa dhinaca kale sheegay in Dowladda Puntland ay diyaar u tahay wax ka qabashada saameynta isbeddelka cimilada ee ka jirta deegaanka Dhinowda, gaar ahaan dhibaatada ka dhalatay bacaadka ku fiday qaybo kamid ah deegaanka.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in wax ka qabashada xaaladda deegaanka ay u baahan tahay iskaashi u dhexeeya dowladda, bulshada iyo dhinacyada ay khuseyso, si loo yareeyo saameynta ka dhalatay isbeddelka cimilada.
Gogosha nabadeed ee Garoowe ayaa la filayaa inay noqoto tallaabo lagu doonayo in lagu xoojiyo nabadda iyo wada-noolaanshaha bulshada Towfiiq iyo Dhinowda, iyadoo Puntland ay sheegtay inay diyaar u tahay inay taageerto dadaallada lagu soo afjarayo colaadaha.

Leave a Reply