Garoowe (Raxanreeb ) Deegaano ka mid ah maamul goboleedka Puntland waxaa ka socday diwaangalinta dadka ka qayb qaadanaya doorashooyinka Golaha deegaanka ee deegaanada maamulkaas
Goboladii ugu badnaa ayaa maalmihii la soo dhaafay dadka laga diwaan galiyay sida uu sheegay Guddiga doorashooyinka ee ku howlanaa arimaha doorashooyinka
Qiyaas ahaan , waxa la sheegayaa in tirada guud ee is diiwaan gelisey ay gaareyso 300 000 oo qof (saddex boqol oo kun) kuwaas oo ka qayb qaadan doono doorashooyinka Golaha deegaanka.
Doorashooyinkan socda iyo diwan galinta , soo dhamaatay waxa duray siyaasiinta qaar ee deegaanada maamulkaas ku nool.
Deegaanada Puntland oo lagu qiyaaso in ay ku nool yihiin dad ka badan 2 milyan oo qof, ayaan helin wacyigelin ku filan oo la xiriirta diiwaan-gelinta sida ay sheegayaan falanqeeyayasha siyaasadda.
Leave a Reply