Shirka  Baydhabo ee uu ka maqan- yahay & waxa looga hadlay maanta

Baydhabo (Raxanreeb ) Shirka madasha wada- tashiga qaran ee ka socda magaalada Baydhabo ee gobolka Baay ayaa galay maanta maalintii labaad oo ay wada – hadlayaan hoggaamiyaasha shirsan.

Shirkan oo looga hadlayo qodobo xasaasi ah waxaa ka maqan , Madaxwaynaha maamulka Puntland oo khilaaf uu kala dhaxeeyo Dowladda dhexe.

Shirka oo shalay furmay ayaa Madaxda waxaa ay uga hadlayaan  qaab dhismeedka amniga qaranka, hannaanka federaaleynta maaliyadda, doorashooyinka heer Federaal iyo heer dowlad-goboleed.

Wasiir ka  tirsan maamulka Koonfur Galbeed oo shirka ka hadlay ayaa sheegay in madaxda si aad ah ay iskula soo qaadeen arrimo ay ka mid  yihiin Amniga, wadashaqeynta Madaxda dowladda iyo Dowlad Goboleedyada iyo dhameystirka qodobadii horay loogu heshiiyay.

Sidoo kale Wasiirka oo soo hadal qaaday maqnaanshaha shirka ee Puntland ayaa sheegay inay wada-hadallo hoose u socdaan Madaxda, isla markaana wixii kasoo baxa shirka leysku

Leave a Reply

Your email address will not be published.