PUNTLAND : Tirada ugu badan ee codbixiyaasha oo la diwaangaliyay

Garoowe (Raxanreeb ) Deegaano ka mid ah maamul goboleedka Puntland waxaa ka socday diwaangalinta dadka ka qayb qaadanaya doorashooyinka Golaha deegaanka  ee deegaanada maamulkaas

Goboladii  ugu badnaa ayaa maalmihii la soo dhaafay dadka laga diwaan galiyay  sida uu sheegay   Guddiga  doorashooyinka ee ku howlanaa arimaha doorashooyinka

Qiyaas ahaan , waxa la sheegayaa  in tirada guud ee is diiwaan gelisey ay gaareyso 300 000 oo qof (saddex boqol oo kun) kuwaas oo ka qayb qaadan doono doorashooyinka Golaha deegaanka.

Doorashooyinkan socda iyo diwan galinta , soo dhamaatay waxa  duray siyaasiinta qaar ee deegaanada maamulkaas ku nool.

Deegaanada Puntland oo lagu qiyaaso in ay ku nool yihiin dad ka badan 2 milyan oo qof, ayaan helin wacyigelin ku filan oo la xiriirta diiwaan-gelinta sida ay sheegayaan falanqeeyayasha  siyaasadda.

Leave a Reply

Your email address will not be published.