PUNTLAND :  Yuu u dhaxeeyay dagaal maanta ka dhacay Raascayr ?.

PUNTLAND :  Yuu u dhaxeeyay dagaal maanta ka dhacay Raascayr ?.

Raascasayr (Raxanreeb ) Warar aan ka helayno degmada Caluula ee gobolka Raas Casayr ayaa sheegaya in dadka ku nool halkaas ay ku waabirsteen  xabad dhacaysa.

Wararka ayaa sheegaya in iska hor-imaadkaasi dhexmarayo ciidamo ka tirsan Booliska gobolka Raas casayr iyo maleeshiya-beeleed ka soo jeeda degaanka Hursale.

Ilaa iyo hadda ma cadda waxa sababay iska hor-imaadka labada dhinac oo weli ka socda  degaanka Hursale waxaana la soo sheegaya khasaare dhaawacyo ah.

Saraakiisha maamulka Puntland ma aysan ka hadal iska hor imaadkan maanta oo khamiis ah ka dhacay degmada Caluula ee gobolka Raas Casayr.

Odayaasha deegaanka ayaa la sheegayaa in ay u istaageen wax ka qabashada dagaalkan maanta halkaas ku dhaxmaray ciidanka Puntland  iyo maleeshiyo beeleed deegaanka ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.