Garoowe (Raxanreeb ) Golaha wakiilada Puntland ayaa saaka u codeeyey in sannad kale ay sii joogaan ayna dooranayaan Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiis 8 January.
Go’aankan ayaa yimid ka dib markii maanta oo Khamiis ah Golaha wakiilada Puntland fadhi ay ku yeesheen magaalada Garoowe ee Puntland.
Madaxwaynaha Puntland Saciid Cabdullaahi DENI ayaa tanaasulay Doorashadii ‘Qof iyo Codka ahayd taas oo ay mid uu ku dheganaa in mudda ah.
Siciid Deni oo culeesyo badan la kulmay ayaa ugu dambeyn aqbalay in Puntland ka dhacdo doorashada xilligeedii oo ah 8-da bisha Janaayo ayna soo doortaan madaxweynaha golaha wakiillada Puntland oo ka kooban 66-xildhibaan.
Wareegto uu goordhaw madaxweynaha Puntland soosaaray ayuuna golaha Wakiillada Puntland ugu gudbiyay soo saarista lifaaqa 5-aad ee Dastuurka dowlad goboleedka Puntland , kaddib markii uu ka laabtay doorashadii qof iyo cod.
Leave a Reply