Dowladda ‘’ Waxaan dilnay sarkaal la doon-doonayay ‘’

Muqdisho (Raxanreeb ) Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in hawlgal qorshaysan oo ay iska kaashadeen ciidamada Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ahi, in lagu dilay mid ka mida hoggaamiyayaasha ururka al-Shabaab.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda warfaafinta ee Soomaaliya oo lagu faafiyey bogga rasmiga ah ee telefishanka qaranka Soomaaliya uu ku leeyahay Facebook ayaa intaas ku daray in hawlgalku uu ka dhacay deegaanka Xaramka ee gobolka Jubbada Dhexe taariikhdu markay ahayd Bishan October 01, 2022.

Hawlgalkan oo ay iska kaashadeen ciidamada Soomaaliya iyo kuwa beesha caalamka ayaa ka dhacay deegaanka Xaramka ee gobolka Jubbada Dhexe taariikhdu markay ahayd Bishan October 01, 2022.

“Horay wuxuu usoo noqday Madaxa Shuurada iyo Maaliyadda, wuxuu ka mid ahaa aasaaseyaasha kooxda, waana shakhsiga ay argagixisadu u diyaariyeen in uu badalo Horjoogaha bukaanka ah ee Khawaarijta Shabaab ee dhiigga Islaamka baneystey, ee Axmed Diiriye.” Ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay wasaaradda warfaafinta ee Soomaaliya.

Hoggaamiyaha ururka al-Shabaab ee la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Cabdullaahi Nadiir isaga oo ahaa madaxa dacwadda ee kooxda, iyada oo dawladda Soomaaliya ay ku tilmaantay inuu ahaa, “mid ka mida kuwa ugu sharta badan ee kooxda al-Shabaab.”

HOOS KA AKHRISO :

Leave a Reply

Your email address will not be published.