Rabshado dib ugu bilowday Itoobiya & Jabhad oo ku dhaw Adis Ababa.

Rabshado dib ugu bilowday Itoobiya & Jabhad oo ku dhaw Adis Ababa.

Adis Ababa (Raxanreeb )Dagaalo kharaar oo maalmahan ka socday Waqooyiga agagaarka Shawa ee dalka Itoobiya ayaa soo xoogeystay labadii maalmood ee tagay.

Warar kooban oo laga helayo xogta dagaalka ayaa sheegaya in maleeshiyada Amxaarada ee loo yaqaan FANO ay la wareegeen xarun talis ciidan ahayd, jug xoog leh na ku gaarsiiyey ciidamada diifaca Itoobiya.

Goobta dagaalka ka socdo ee ay guulaha ka gaareen FANO waxa ay kaabiga ku haysaa Caasimadda dalkaas ee Addis Ababa.

Gobolka maamulka Axmaaradda ayaa waxaa ka socda kacdoonkii ugu xoogganaa, waxaana shalay laga maqlayay rasaas dabaal deg u muuqatay kadib markii uu is casilay ra’iisul wasaare ku-xigeenkii Itoobiya.

Jabhadda Amxaarada ayaa horay bayaan ay u soo saareen waxay uga soo horjeesteen dhaqanka qaras iska tuurnimada ah ee Abiy Ahmed uu isku dayayo inuu ku maaweeliyo shacabka Itoobiya.

Waxaa la arkayay muuqaallo laga duubay kooxaha kacdoonka oo isku soo baxay markii uu is casilay Mr. Demeke, kuwaas oo raasaas ridaya.

Ethiopia ayaa waxaa xilligaan ka taagan dagaalo sokeeye oo qowmiyado ku saleysan, kuwaasi oo khatar ku ah amniga dalkaasi iyo kan gobolka intaba.

Leave a Reply

Your email address will not be published.