Jigjiga (Raxanreeb ) Maanta oo Arbaca waxaa magaalada Jigjiga ee dowlad degaanka Soomaalida ka dhacay bannaanbaxyo looga soo horjeeday halkaas loogu geystay Xildhibaanad Juweeyriya.
Ciidamo farabadan oo katirsan kuwa liyuu Boolis ayaa la dhoobay waddooyinka magaalada Jigjiga, si ay u xakameeyaan dadka ka careeysan dilka Xildhibaanad Juweeyriya.
Goobaha ganacsiga qaar ayaa albaabada loo laabay sida ay sheegeen qaar ka mid ah dadka deegaanka oo warbaahinta la hadlay si aysan saameyn ugu yeelan rabashadaha maanta ka socda magaalada Jigjiga.
Dilka xildhibaan Juweeriya ayaa si weyn looga dareemay Jigjiga, waxaana dhammaan dadka ay waxyeelada ay soo gaartay ay ka dhoofayeen garoonka magaaladaas.
Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan Jigjiga oo maanta isugu soo baxay gudaha magaaladaasi ayaa diiday in la’aaso marxuumadda illaa ina cadaalad looga helayo.
AUN Xildhibaan Juweeriya Subcis ayaa xubin ka aheyd xisbiga Prosperity Party ee uu hoggaamiyo Abiy Ahmed, waxaana ay caan ka hayd deegaanka Soomaalida.
Leave a Reply