Muqdisho (Raxanreeb ) Duqeymo Taliska ciidanka AFRICOM ay ka fuliyeen meelo ka mid ah Soomaaliya ayaa hadda waxaa ka soo baxaya faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan duqeymahan.
War ka soo baxay maanta oo Arbaca Taliska AFRICOM ayuu ku sheegay in duqeymahaas ay ku dileen saraakiil ka tirsan kooxda Al- Shabaab.
Inta badan AFRICOM ayaa sheegtay in duqeyntaas ka dhacday Gobolka Hiiraan aysan waxyeello ka soo gaartay dadka rayidka, arrintaasina ay ku xaqiijiyeen baaritaanno ay iska kaashadeen Dowladda Federaalka.
Taliska AFRICOM ayaa sheegay in qiimayn hordhac ah ay sameeyay ay ku ogaadeen in weerarkaas lagu dilay 2 sarkaal balse ma sheegin magacyadooda iyo derajada ay ka joogeen Ururka Al-shabaab.
Duqeymaha inta badan ka dhaca Soomaaliya ayaa waxyeelada ugu badan waxa ay ka soo gaartaa dadka rayidka sida marar badan ay sheegeen kooxaha u dooda xuquuqda Aadanaha.
Leave a Reply