Rabshado ka sii socda Laascaanood & ciidamo Somaliland halkaas u dirtay.

Laascanood ( Raxanreeb ) Wararaka RBC uu ka helayo magaalada Laascanood ayaa sheegaya in halkaas wali ay ka sii socdaan rabshado balaaran.

Dadka magaalada ayaa sii wada talaabooyinka ay ku diidan yihiin dhibaatooyinka ciidanka Somaliland ay ku hayaan sanadaha badan dadka ku nool gobolada Sool  sanaag iyo Cayn.

Waxaa xiran goobo badan oo ganacsi waxaana waddooyinka ka muuqda xaalad kacsanaan ah taas oo keentay in meelo kala duwan oo magaalada ah ay isaga hor yimaadaan dadka deegaanka iyo ciidanka Somaliland.

Dhinaca kale Somaliland ayaa Ciidamo aad u farabadan soo dhoobtay waddooyinka qaar ee Magaalada laas-Caanood ee gobolka Sool.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud oo  ka hadlaydhibaatada ka taagan magaalada Laascaanood  ayaa ku baaqay in xaaladda la dejiyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.