Rag Puntland dil ka gaystay oo laga soo qabtay xadka Soomaaliya & Kenya.

Rag Puntland dil ka gaystay oo laga soo qabtay xadka Soomaaliya & Kenya.

Muqdisho (Raxanreeb )- Taliska Ciidanka Booliska maamul goboleedka Jubaland ayaa shaaca ka qaaday  in ay gacanta ku soo dhigeen eedaysanayaan dil ka soo gaystay deegaano ka mid ah Puntland.

Eedeysanayaashan ayaa la sheegay in ciidanka amniga Jubbaland ay ku soo qabteen xaduuda dalalka iyo Soomaaliya iyo  Itoobiya.

Hay’adaha amniga Jubaland, gaar ahaan Taliska Qaybta Booliska Gobolka Jubbada Hoose ayaa Ciidanka Booliska Puntland, ku wareejiyey eedaysanayaal lagu kala magacaabo Cawil Ciise Xirsi  iyo Aadan Cilmi Ciise.

Taliyaha qeybta booliska gobolka Mudug ee Puntland, Maxamuud Cabdixakiin Yuusuf ayaana kaga mahadceliyay booliiska Jubbaland soo qabashada raggan dilka ku eedeysnaa, waxa uuna taliyaha xusay in raggan caddaaladda la horgeyn doono

Dadka dilalka geesta ayaa marakii hore u baxsan jiray gobolo iyo deegaanno kale oo dalka katirsan, hasa ahaatee waxaa hadda adkaatay in gacankudhiiglayaasha helaan gabaad, iyadoona laga soo qabto meel kasta oo ay tagaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.