Ra’iisul Wasaare Xamsa Barre oo warbixin laga siiyay howlgallada Hiiraan

Ra’iisul Wasaare Xamsa Barre oo warbixin laga siiyay howlgallada Hiiraan

Baladweyne (Raxanreeb) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qaybgalay munaasabad weyn oo lagu soo dhaweynayay isaga iyo wafdigiisa oo ka dhacday xarunta gobolka Hiiraan ee magaalada Beledweyne.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha oo uu soo dhaweeyey Madaxweynaha maamul gobolleedka HirShabelle, Mudane Cali Cabdullaahi Guudlaawe iyo masuuliyiinta kale ee gobolka, ayaa waxa ay qaybaha kala duwan ee shacabka ka dhageysteen warbixinno ku saabsan xaaladda arrimaha bulshada ee magaalada Beledweyne iyo saameynta abaarta.

Horey waxaa magaalada Beledweyne ugu sugnaa Wasiirka Gaashaandhigga, Taliyaha ciidanka xoogga dalka, Xildhibaanno iyo masuuliyiin kale oo warbixin ka siiyay Ra’iisul Wasaaraha xaaladda dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Ra’iisul Wasaaraha oo la hadlay bulshada reer Beledweyne ayaa uga mahadceliyay soo dhaweynta diirran isaga oo ammaanay hawlgallada ciidamadu kula dagaallamyeen kooxaha argagixisada kuwaaasi oo lagu xoreeyay deeganno badan oo ka tirsan gobolka Hiiraan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.