Raila Odinga kama qayb galayo caleema saarka William Ruto.

Nairobi (Raxanreeb ) Magaalada Nairobo ee dalka Kenya waxa ka soconaya caleema saarka Madaxwaynaha la doortay ee Kenya William Ruto oo ay ka qayb galayaan madax kala duwan oo ka socota caalamka.

Madaxda ka qaybgalaysa caleemasaarka waxaa ka mid ah Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheikh Maxamuud iyo wafdi la socda.

Warbaahinta Kenya ayaa sheegay in Hoggaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga uu diiday inuu ka qeyb galo xafladda caleemo-saarka madaxweynaha la doortay.

Hoggaamiyahan ayaa sheegay in uusan ku qanacsanayn hanaankii uu ku soo baxay William Ruto oo ku timmaamay mid ka fog ‘xor iyo xalaal .

Odinga oo markii shanaad u tartamay xilka madaxweynaha Kenya ayaa wuxuu taageero ka helayay madaxweynaha xilka ka dagay ee Uhuru Kenya.

Caleema saarka madaxweynaha cusub ee Kenya ayaa qabsoomaya maanta, waxaana ka qaybgalaya madax kala duwan oo ka socda Qaarada Africa iyo caalamka

Leave a Reply

Your email address will not be published.