Falagle:“Muddo Kordhinta Waxaan Kala Mid Nahay Maamuladda Kale”

Muqdisho (Raxanreeb ) Maamulka Galmudug ayaa ka hadlay wararka ku aadan in muddo hal sano ah loo kordhinaayo hay’adaha kala duwan ee Maamulka Galmudug.

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Galmudug Wasiirka Warfaafinta Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa sheegay in arintaan ay jirto.

Waxa uu sheegay in wasaaradda Arrimaha Gudaha Maamulka galmudug ay baarlamaanka ay hogeysay qorshaha muddo kordhinta,islamarkaana go’aan laga sugaayo Baarlamaanka.

Dhanka kale Wasiirka Warfaafinta Maamulka Galmudug Wasiirka Warfaafinta Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa sheegay in arintaan ay kala siman yihiin Maamuladda kale ee dalka jira oo muddo kordhin sameystay.

Maamul goboleedyada Hirshabelle, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed oo muddo xileedkoodu ahaa afar sano ayaa sameystay muddo kordhin sanad ah, iyadoo Maamulka Puntland uu horeyba muddo xileedkiisu u ahaa shan sano.

Leave a Reply

Your email address will not be published.