Goormee Soomaaliya laga cafin doonaa deymaha?

Goormee Soomaaliya laga cafin doonaa deymaha?

ISTANBUL (Raxanreeb ) Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga  waxaa ku sugan wafdi ka socda Dowladda Federaalka halkaas oo ay kaga qayb galayaan shir looga hadlayo sidii Soomaaliya loogu cafin lahaa deynta.

Wafdigan waxaa horkacaya wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Dr Cilmi Maxamed Nuur  oo shirka ku soo bandhigi doono halka ay marayaan dadaalada deyn cafinta dalka iyo hormarada laga gaarinta arintaas.

Shirkan waxaa soo qaban – qaabiyay Hay’adaha dhaqaalaha caalamka oo ay hoggaan u tahay  Hay’adda lacagta Aduunka ee IMF.

Inta uu socdo shirkan ayaa lagu soo hadal qaadi doonaa halka ay marayeen talaabooyinka dhamaystirka u ah deyn cafinta Soomaaliya ee soo socotay shantii sanno ee la soo dhaafay.

“Wasaaradda Maaliyadda waxaa ka go’an ka guul-gaaridda Horumarinta maaliyadda oo ku dhisan mustaqbalka wanaagsan ee Bulshada Soomaaliyeed ayuu yiri” sidaas waxaa shirka ka sheegay  Wasiirka Maaliyadda Dr Cilmi Maxamed Nuur.

Waxa si mid  ah shirkan ku sugan wasiirkii hore ee maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaalle Bayle oo wax badan kala socday  heerarka iyo dhamaystirka  Barnaamijka deyn cafinta dalka.

Soomaaliya ayaa wali ruclayn ugu jirta sidii loogu cafin lahaa deynta lagu leeyahay , taas oo haddii ay dhacdo wax badan ka bedeli doonta dhaqaallaha dalka oo aad u liitay 30-kii sanno ee la soo dhaafay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.