Xogaha layaabka leh ee ku soo kordhay – weerarkii Buulamareer

Xogaha layaabka leh ee ku soo kordhay – weerarkii Buulamareer

Muqdisho (Raxanreeb ) Ciidanka ku  dhaawacmay weeraradii ka dhacay magaalada Buulamareer ee Shabeellaha – hoose  laguna dawanayo  isbitaal ku – yaalla xerada Xalane ee magaalada Muqdisho ayaa bixiyay xogo dheeraad ah oo ku saabsan sida uu weerarka u dhacay.

Askartan ayaa sheegay in weerarkaas khasaare badan oo lixaad leh uu ka soo gaaray askarta Uganda ee howlgalka ATMIS qaybta ka ah kuwaas oo ku sugan deegaanka Buulamareer.

“waan u jeednay Nalalka Gawaarida ay wateen Al-shabaab, waxaan u heysanay beeraleydii oo beerahooda waraabsanaya, cagafta beeralah lagu falo ayaan u maleynay,markii ay hoosta naga soo galeen ayey rasaas billaabatay”ayuu yiri mid ka mid ah dhaawacyada ku jira Isbitaalka Xalane.

Afhayeen ku xikeenka Ciidanka Uganda  Deo Akiiki, ayaa sheegay in Askarta ay la qabsadeen Beeraleyda shaqadooda qabsadanaya islamarkaana aysan fileyn weerar Al-shabaab.

Waxaa uu sheegay in ay hadda ka darantahay maaddaama qorshe kala guur ah jiro,waxaa uu sheegay in xilliga kala guurka ka adagyahay howlgalka lagula dagaallamo Al-shhabaab sidaas darteedna feejignaan dheeraad ah loo baahanyahay.

Deo Akiiki ayaa sheegay in hadda ay wadaa sidii dhibka gaaray askartooda ay uga soo kaban lahayeen marxaladii adkayd ee askarta ka soo gaartay weerarkaas oo ay soo qaadeen Al- Shabaab.

Si kastaba, weerarkii Buulo Mareer ayaa Al-Shabaab waxa ay sheegtay inay ku dishay ugu yaraan 137 askari, baske Uganda ayaa qiratay in laga dilay 54 askari oo ku sugnaa xerada.

Leave a Reply

Your email address will not be published.