Ra’isulwaare Xamsa Barre oo ballan qaad sameeyay

Ra’isulwaare Xamsa Barre oo ballan qaad sameeyay

Muqdisho (Raxanreeb) Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa xalay saqdii dhexe booqday isbitaallada lagu daaweynayo dhaawacyadii weerarkii Hotel Xayaat magaalada Muqdisho.

Xamsa Barre ayaa ka hadlay xaaladda caafimaad ee bukaannada asagoona la kulmay maamullada Isbitaalka Digfeer iyo Madiina ayagoona uga warbixiyay bukaannada liita xaaladdooda caafimaad.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay bukaannada aan dalka waxba looga qaban karin in dowladda ay u qaadeeyso dibedda asagoona hadalkiisa sii wata uu raaciyay bukaanno horey ugu jiray isbitaallada ayaga lagu dari doono.

Ra’iisulwasaaraha ayaa ballan qaaday isla xisaabtan kaasoo ah, weerarkii dhacay iyo masu’uliyadda dowladda inay kula xisaabtameyso cid walboo howsheeda gudan weyso.

Xamsa Barre ayaa uga tacsiyeeyay dhammaan ehellada iyo qaraabada dadii ku dhammaaday weerarkii Hotel Xayaat.

Dhinaca kale, Wasiirka Amniga Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe), ayaa saxaafadda kula hadlay Hotelka Xayaat oo muddo labo cisho ah ay ka dhex dagaallamayeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Wasiirka ayaa ballan qaaday in Xukuumadda Soomaaliya ay si rasmi ah u qaadi doonto doorkeeda badbaadinta dadka Soomaaliyeed iyo hantidooda, isla markaana qiimeyn lagu sameyn doono khasaarihii ka dhashay weerarkaas.

“Dhibka dhacay waan aragnaa waxaana lama huraan ah in xukuumaddu ay doorkeeda qaadato, waxaa qaadan doonnaa door ah badbaadinta nafta iyo maalka shacabka Soomaaliyeed, waxaan ballan qaadeynaa in arrintaas aanan u kala hari doonin,” ayuu yiri wasiirka amniga Soomaaliya.

Wuxuu kaloo sheegay in dhibkaan uu gaaray guri kasta oo Soomaaliyeed, isla markaana ay xukuumaddu diyaar u tahay inay qaadato masu’uliyad dhab ah.

“Muhiimadda xukuumaddaan waa in amni la helo, si ballan qaadkaas aan uga dhabeyno xukuumaddu waxay diyaar u tahay isla xisaabtan, qiimeynta dhibkii dhacay gacanta ayaan ku heynaa, waxaana diyaar u nahay inaan duruus ka barano, amnigana wax ka baddelno,” ayuu hadalkiisa ku sii daray wasiirka amniga Soomaaliya.

Wasiir Doodishe ayaa ugu dambeyntii aad u ammaanay ciidamada ammaanka oo dadaal badan ku bixiyay inay badbaadiyaan dadka, sidoo kale wuxuu u tacsiyeeyay dadkii ku waxyeelloobay weerarkaas oo kooxdii fulisay lasoo afjaray oo dagaallameysay 30 saacadood.

Ugu yaraan 25 qof ayaa lagu dilay weerarkaas, waxaana lagu dhaawacay oo isbitaallada yaalla 120 kale, sida ay cadeeyeen hey’adaha caafimaadka, iyadoo la qarxiyay dhammaan haraadiga qaraxyadii ay wateen kooxda soo weerartay Hotelka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.