Rishi Sunak oo noqonaya ra’iisul wasaaraha cusub ee UK.

Rishi Sunak oo noqonaya ra’iisul wasaaraha cusub ee UK.

Raxanreeb  (London ) Sunak ayaa maanta oo Isniin ah ku guulaystey inuu noqdo Ra’iisulwasaaraha Britain  tartanka ka dib markii musharixii la tartameysey, Penny Mordaunt, ay ku guuldareystay inay hesho taageerada 100 xildhibaan Conservative ah.

Guusha Sunak oo 42 jir ah ayaa timid kadib go’aankii uu Johnson Axaddii uga haray inuu sameeyo soo rogaal-celin siyaasadeed.

Penny Mordaunt, oo aheyd qofka kaliya ee la loolamayey kadib markii uu tartanka ka haray Boris Johnson, ayaa ku guuldarreysatay inay hesho magacaabista 100 xildhibaan, oo lagama maarmaan aheyd.

“Dhammaanteen waxaa nagu waajib ah taageerada Rishi in aan u midowno oo laga wada shaqeeyo danta qaranka. Waxaa jirta shaqo badan in la qabto,” ayay qortay.

Sunak wuxuu ka mid ahaa siyaasiyiintii u ololeynayay ka bixitaanka UK ee Midowga Yurub, isagoo sheegay in taas ay UK ka dhigeyso dal xor ah, caddaalad ah oo barwaaqo badanna gaara.

Bishii Febaraayo ee sanadkii 2020 Sajid Javid wuxuu iska casilay jagada hoggaamiyaha waxaana beddelay, Mr Sunak.

Leave a Reply

Your email address will not be published.