Waa kuma Saraakiisha Al- Shabaab ee lala beegsaday duqeyn ka dhacday Sh. Dhexe ?

Waa kuma Saraakiisha Al- Shabaab ee lala beegsaday duqeyn ka dhacday Sh. Dhexe ?

Balcad (Raxanreeb ) Wararka caawa RBC uu ka helayo gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in halkaas markale duqeymo diyaaradeed ay ka dhaceen.

Wararka ayaa sheegaya in duqeyntan ay fuliiyeen diyaaraadaha aan duuliyaha lahayn kuwaas oo bartilmaameedsaday gaari la sheegay in ay saarnayeen saraakiil Al Shabaab.

Gaarigan ayaa marayay Agagaarka Deegaanka Xawaadley ee Sh/dhaxe halkaas oo marar badan uu ka dhacay dagaal u dhaxeeya ciidanka Dowladda iyo kooxda Al -Shabaab.

Lama sheegin magacyada xubnaha Al Shabaab ee lagu dilay duqeymahan ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe , mana jirto wax war ah oo Dowladda ay ka soo saareen.

Leave a Reply

Your email address will not be published.