RIYADH :  Boqortooyada Sacuudiga oo Adkeysey Kaararka Xujeyda.

RIYADH :  Boqortooyada Sacuudiga oo Adkeysey Kaararka Xujeyda.

Riyadh (Raxanreeb )- Dowladda Sacuudiga ayaa rabta hortagto dadka aan Soo Marin nidaamka saxda ah ee loogu talo galay in ay maraan dadka xajinaya.

Boqortooyada Waxaa Soo Baxay amarro is daba joog ah ay ku socodsiineyso nidaamka Xajka ee sanadkaan oo wax badan ka bedelan sanadihii hore.

Dadka hareer mara nidaamka Xaajiga loo dejiyay iyo kuwa Raba in ay si sharci darro ku xajiyaan ayey dowlada Sacuudiga sheegey talaabooyin isugu jira xarig, Ganaax iyo Tarxiil.

Xafiiska Arrimaha Xajka Wasaarada Awqaafta iyo Arrimaha Diinta dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa shacabka Soomaaliyeed la wadaagey go’aamadaasi iyo habraaca dowlada Sacuudiga ay jideysey, SI looga hortago dhibaato Soo gaarta muwaadinka Soomaaliyeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published.