Roobab magiigaan ah oo ka da’ay Muqdisho oo sameeyey isku socodka

Roobab magiigaan ah oo ka da’ay Muqdisho oo sameeyey isku socodka

Muqdisho (Raxanreeb Online) Roobab xooggan oo saacado badan ka da’ayay magaalada Muqdisho ayaa maanta sababay hakad iyo gaabis ku yimid isu socodka dadka iyo gaadiidka ee qaybo badan oo ka mid ah caasimadda.

Waddooyinka muhiimka ah ee magaalada ayaa meelo badan waxaa fariistay biyo badan, taas oo adkeysay isu socodka gaadiidka iyo dadka. Qaar ka mid ah waddooyinka ayaa noqday kuwo ciriiri ah, iyadoo gaadiidleyda iyo dadka lugeynaya ay wajahaan caqabado ka dhashay roobka iyo biyaha waddooyinka.

Saameynta roobka ayaa sidoo kale gaartay goobaha muhiimka ah ee magaalada, oo ay ka mid yihiin waddada ku dhow Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, goobaha waxbarashada iyo xarumaha shaqada. Dad badan ayaa ku adkaatay inay si caadi ah u gaaraan goobahooda waxbarasho iyo shaqo.

Roobabkan oo weli da’aya ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo in biyuhu sii fariistaan waddooyinka haddii roobku sii socdo. Dadka magaalada ayaa loogu baaqayaa inay taxaddar dheeraad ah muujiyaan, gaar ahaan marka ay marayaan waddooyinka ay biyuhu ku badan yihiin.

Mas’uuliyiinta dowladda iyo hay’adaha dowladda hoose ayaa looga baaqay inay si degdeg ah uga jawaabaan xaaladda, gaar ahaan meelaha ay biyuhu xireen waddooyinka muhiimka ah, si loo fududeeyo isu socodka bulshada.

Leave a Reply

Your email address will not be published.