Muqdisho (Raxanreeb Online) Dowladda Masar ayaa sheegtay inay xoogga saarayso horumarinta iyo tayeynta awoodda Ciidamada Militariga Soomaaliya, iyadoo ujeeddadu tahay in la dhaqan-geliyo iskaashiga dhinaca difaaca iyo heshiisyadii hore ee u dhexeeyay dowladaha Qaahira iyo Muqdisho.
Masar ayaa tilmaantay in iskaashiga labada dal uu diiradda saarayo tababarka ciidamada, kor u qaadista awoodda hay’adaha amniga iyo xoojinta wada-shaqeynta militari ee Soomaaliya.
Qorshahan ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay waddo dadaallo lagu dhisayo awoodda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, si ciidamada qaranku ay u yeeshaan awood dheeraad ah oo ay kula tacaalaan caqabadaha amni ee dalka.
Masar iyo Soomaaliya ayaa sanadihii u dambeeyay kordhiyay xiriirkooda dhinaca difaaca iyo amniga, iyadoo labada dowladood ay hore u kala saxiixdeen heshiisyo lagu xoojinayo iskaashiga militari iyo tababarka ciidamada.
Mas’uuliyiinta labada dhinac ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo xiriirka istiraatiijiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar, gaar ahaan dhinacyada difaaca, amniga iyo horumarinta awoodda ciidamada Soomaaliyeed.

Leave a Reply