Nairobi (Raxanreeb ) Madaxwaynaha Kenya William Ruto ayaa sheegay in muhiim ay tahay in ciidanka ATMIS ay soo afjaro dagaalka ka dhanka ah Al- Shabaab ee ka socda gudaha dalka.
Madaxwaynaha Kenya ayaa xusay in dadaalka xooggan IGAD ay ugu jirto sidii loo jabin lahaa kooxda Al- Shabaab waxana uu xusay in la joogo markii la soo afjari lahaa.
“Waxaan u dabaaldegaynaa horumarka laga gaaray taageeridda isbeddelka Soomaaliya oo u noqon doona dal xasilloon, ammaan ah, iyo barwaaqo,” ayuu yiri.
Ruto ayaa ku amaanay dalalka ciidanka ay ka joogaan Soomaaliya dadaalka ay ugu jiraan xasilinta Soomaaliya iyo howlgalkooda ka dhanka ah kooxda Al- Shabaab ee ka socda Soomaaliya.
Madaxweyne Ruto ayaa xusay in dalalku ay ku dhaqmaan si taxaddar leh oo degdeg ah ayna xalliyaan taageerada dhaqaale si loo xaqiijiyo in ciidamadooda ku sugan Soomaaliya ay si hufan u shaqeeyaan.
Kenya ayaa ka mid ah dalalka safka hore ee howlgalka ATMIS u jooga Soomaaliya kuwaas oo muddo dheer dagaal kula jira Al- Shabaab iyo kalkaaliyaashooda
Soomaaliya waxaa ka socda howlgal ka ujeedkiisu uu yahay sidii Al- Shabaab loogu saari lahaa dalka , waxaana Dowladda Soomaaliya ay sheegtay in ay qaadi doonto wajiga labaad ee golofka ka dhanka ah Al- Shabaab.
Leave a Reply