Jubbada Dhexe oo laga saarayo Al- Shabaab

Jubbada Dhexe oo laga saarayo Al- Shabaab

Baardheere (Raxanreeb ) Wararka RBC uu ka helayo degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in halkaas uu ka socdo howlgal lagu doonayo in lagu xoreeyo degaanada Jubbada dhexe.

Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo  ka tirsan  Golaha Aqalka Sare oo gaaray degmada Baardheere ee Gedo ayaa sheegay in howlgalada ay yihiin kuwo  Jubbada dhexe loogu saarayo Al- Shabaab.

Hadalkan ayuu sheegay Senotor Fartaag ka sheegay mar uu degmada Baardheere kula hadlayay ciidano ka tirsan maamulka gobolka Gedo oo tababar loogu soo xiray degmadaas.

Degmada Baardheere ayuu sheegay Fartaag in ay ku diyaarsan yihiin ciidamo fara badan iyo dadka deegaanka  kuwaas oo heegan ugu jira sidii Al- Shabaab ay uga adkaan lahaayeen.

Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag waxa uu u sheegay in ujeedka loo tababaray aanay ahayn in ay dib ugu laabtaan guryahooda ama ay iska dhex joogaan Magaalada balse shaqo laga sugayo.

Degmada Baardheere waxa ay kamid tahay Degmooyin katirsan Gobolka Gedo oo lagu diyaariyay Ciidamada Dowladda Federaalka, Daraawiishta iyo Dadka deegaanka si ay ugu dhaqaaqaan howlgallada ka dhanka ah Al- Shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published.