Ruto ”Aniga & MD Xasan Sheekh waxaan ka hadalay ganacsiga Miroowga”

Nairobi (Raxanreeb ) Ka dib kulankii maanta – magaalada Nairobi ee dalka Kenya ay ku yeesheen Madaxwaynayaasha Soomaaliya iyo Kenya ayaa Madaxwayne Ruto waxa uu faahfaahin ka bixiyay qodobada uu kala hadlay dhigiisa Kenya.

Kulankan oo ahaa kii ugu horeeyay oo ay wada yeesheen Madaxwaynaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa lagu soo hadal qaaday arrimaha labada dal xiriirka iyo ganacsiga.

”Waxaan si deg deg ah ula socon doonnaa hirgelinta Guddiga Wadajirka ah ee Iskaashiga Kenya iyo Soomaaliya ” ayuu ku yiri Madaxwaynaha Kenya William Samoei Ruto.

Intaas waxaa uu qoraalkiisa raacayay Madaxwaynaha xafiiska la wareegay ee Kenya in kulanka labada dhinac uu sare u qaadi doono adkaynta iyo ganacsiga ka dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya.

”Kulamada aan la yeeshay Madaxwaynaha Soomaaliya ee Xasan Maxamuud Maxamuud waxaa sidoo kale ka mid ah xaaladda amni ee Soomaaliya iyo Geeska Afrika.” ayaa la raaciyey warka lagu daabacay barta Facebook-ga Madaxwaynaha Kenya William Samoei Ruto.

Dowladda Kenya ayaa xooga saaraysa sidii sidii ay Jaadkeeda ugu dhoofin lahayd Somalia, waxaana dhawaan Madaxwaynaha Kenya William Samoei Ruto uu sheegay in Madaxwaynaha Soomaaliya uu kala hadli doono arrimaha suuqa gacansiga Miraa ee Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.