Nairobi ( Raxanreeb ) Wararka maanta oo Jimca ah aan ka helayno magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya in halkaas ay ka taagan tahay cabsi la xiriirta dibadbaxyo ay dhigaan xubnaha mucaaradka.
Hoggaamiyaasha dhaliilsan Dowladda Ruto ayaa ku baaqay in ay dhigayaan banaanbaxyo waawayn oo ay ku muujinayaan sida aysan ula dhacsanayn dowladda Ruto.
Sida ay sheegayaan goobjoogayaasha dadka ayaa farta wadnaha ku haya cabsi ay ka qabaan in dibadbaxyada ay ka dhashaan rabshado sababi kara , dhimasho , dhaawac iyo boob.
Amaanka caasimadda Nairobi ayaa aad loo adkeeyay, ayadoo Ciidamada booliskuna ay diideen in dibadbaxyo sharci darra ah lagu qabto caasimadda Naiorbi iyo magaalooyinka kale ee Kenya.
Ganacsatada Suuqa xaafada Soomaalida ee Islii- waxay sheegeen in ganacsigoodu uu furan yahay balse ay taxadarayaan iyagoo wadashaqeyn ka helaya laamaha amaanka Kenya.
Hoggaamiyaasha mucaaradka ayaa cadaadis ku haya dowladda Ruto , tan iyo markii doorashada ay ka dhacday dalkaasna waxaa jiray dibadbayo ay dhigeen mucaaradka.
Leave a Reply