RW Xamsa oo Qatar U Ambabaxay

RW Xamsa oo Qatar U Ambabaxay

Muqdisho (Raxanreeb Online): Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta booqasho rasmi ah ugu ambabaxay dalka Qatar, kadib markii uu casuumaad rasmi ah ka helay Dowladda Qatar.

Booqashada Ra’iisul Wasaaraha ayaa diiradda lagu saarayaa xoojinta xiriirka iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Qatar, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, maalgashiga iyo horumarinta arrimaha bulshada.

Inta uu ku sugan yahay Qatar, Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa la filayaa inuu kulamo la yeesho madaxda sare ee Dowladda Qatar, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadli doonaan arrimo la xiriira xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinacyada kala duwan.

Booqashadan ayaa qeyb ka ah dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku xoojinayso xiriirka diblomaasiyadeed, iskaashiga dhaqaale iyo maalgashiga ay la leedahay dalalka caalamka.

Safarka Xamsa ayaa sidoo kale imaanaya xilli Soomaaliya ay xoogga saareyso soo jiidashada maalgashiga shisheeye iyo iskaashiga dhaqaale, si loo kobciyo dhaqaalaha iyo fursadaha shaqo ee dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.