Muqdisho (Raxanreeb Online): Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta la sheegay inay fasaxday mushaharka ciidamada ka diiwaangashan Dowladda Federaalka ee ku sugnaa gudaha Puntland.
Sida xogaha la helayo, mushaharka ciidamada ayaa la fasaxay maanta oo ku beegan 25-ka Agoosto 2026, abaare 2:00 duhurnimo.
Ciidamadan ayaa horey uga tirsanaa ciidamada Dowladda Federaalka, waxaana la sheegay in qaar badan dib loogu qaramay ciidamada Puntland, halka qaar kalena ay u gudbeen dhinaca Galmudug.
Si kastaba, xogta ku saabsan tirada ciidamada, muddada mushaharka iyo sababta loo fasaxay xilligan weli ma hayso faahfaahin rasmi ah oo dheeraad ah.
Tallaabadan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay jiraan dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed iyo ciidan oo u dhexeeya Dowladda Federaalka, Puntland iyo Galmudug, gaar ahaan arrimaha ciidamada iyo maamulka.

Leave a Reply