Muqdisho(Raxanreeb )Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Xamse Cabdi Barre ayaa Maanta oo Jimca ah safarkiisii ugu horeeyay ugu ambabaxay dalka Tunisia , tan iyo markii xilkaas qabtay.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa magaalada Tunis ee caasimadda waddanka Tunisia uga qaybgali doona shirka caalamiga ee Tokyo ee horumarinta Africa (TICAD).
Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre inta uusan dalka ka ambabaxin kulan kooban saaka la qaatay Ku-xigeenka Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Anita Kiki Gbeh
Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta iyo wada shaqaynta labada dhinac waxaana la isla soo qaaday xoojinta shaqooyinka xukuumadda.
Ra’iisulwasaaraha ayaa safarkiisa kowaad ee gudaha dalka , waxa uu ku tagay magaalada Beledwayne ee gobolka Hiiraan , halka safarkan dibada ahna uu noqonayo kiisa kowaad.
RW Xamse Cabdi Barre oo safarkiisa kowaad oo dibad ah ku ugu ambabaxay Tunisia

Leave a Reply