Tedros Adhanom “Ma caawin karo iyaga, ma caawin karo ”

Tedros Adhanom “Ma caawin karo iyaga, ma caawin karo ”

Geneva (Raxanreeb ) Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO Tedros Adhanom ayaa sheegay in xaalad halis ah ay ka jirto magaalooyin badan oo dalka Itoobiya ah oo dagaaladu ay halakeeyeen.

Tedros Adhanom ayaa ku calaacalay in xiligan xanuun badan ay ku hayso xaaladda gobolka Tigray ee Itoobiya halkaas oo dagaalada salka ay dhigteen.

Waxaa uu intaas warkiisa ku daray inuusan la xiriiri karin dadka ku nool halkaas isla markaana waxba u qaban karin eheladiisa oo la dhibaateysan gaajo iyo macluul.

Weriyayaasha ayuu u sheegay in gobolka dagaaladu ay aafiyeen uu ku leeyahay qaraabo badan oo la dhibaataysan gaajo hase ahaatee uusan awoodin inuu lacag u diro , taas oo keentay dagaalada halkaas ka sii socda.

Madaxa Hay’adda Caafimaadka Aduunka ayaa sidoo yiri “Xitaa ma garanayo kan dhintay iyo kan nool.” waxaan laga dareemi karay sida xanuun ay ugu hayso xaalada gobolka Tigreega oo dagaalo badan ay ka dhaceen.

‘Intii ay socotay xabad joojinta xitaa suurtagal ma aysan ahayn in aan caawiyo dadka ku nool halkaas waxa ayna ahayd meel go’adoon ah ” ayuu raaciyay hadalkiisa Tedros Adhanom .

“Waa wax laga xumaado in la arko dib u soo laabashada iskahorimaadka socda, laakiin dhab ahaantii, dagaalku waligiis ma joogsan,” ayuu yiri.

Dagaalka ka qarxay gobolka Tigreega ayaa keenay mar kale in laga walwalo xaalada gobolkaas oo ay isku hayaan ciidanka Abay Ahmed iyo Jabhadaha hubaysan ee diidan maamulkiisa.

Leave a Reply

Your email address will not be published.