RW Xamse oo u duulay dalka Qatar, xilli mooshin laga wado

RW Xamse oo u duulay dalka Qatar, xilli mooshin laga wado

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta u ambabaxay magaalada Dooxa ee dalka Qatar.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa dalka Qatar kaga qeybgali doona shirweynaha Qurba-joogta Soomaaliyeed, waxa uuna hal kaas ka jeedin doonaa khudbad dhinacya badan taaban doonta.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sido kale kulamo muhiim ah la yeelan doona Ra’iisul Wasaaraha iyo madax kale oo ka tirsan hoggaanka dalka Qadar.

Sidoo kale wafdiga Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ay kamid ahaayeen Xubno katirsan Golihiisa Wasiirada ayaa waxaa la filayaa inay kulamo kala duwan la qaataan Wasiirada dhigooda ah ee dalka Qatar.

Safarka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre aya kusoo aadaya xilli la sheegay inay jiraan Xildhibaano katirsan Golaha Shacabka oo mooshin xoogan ka wada

Leave a Reply

Your email address will not be published.