Muqdisho ( Raxanreeb ) Magaalada Muqdisho waxaa laga daabulay sida xog ay heshay RBC ay sheegayso ciidamo nabad sugid oo u fara badan kuwaas oo ku jeeda deegaanada maamulka Galmudug.
Ujeedka ciidankan ayaa la sheegay in ay tahay sidii ay uga qay qaadan lahayeen dagaalka dadka deegaanka ay uga soo horjeedaan Kooxda Al Shabaab oo dhibaatooyin ku haya dadka deegaanka.
Ciidankan ayaa ahaa kuwa ugu badan ee caasimada ka baxay ee laga dejiyay magaalada Dhuusmareeb si ay uga qayb qaataan dagaalka ka dhan ah Al- Shabaab.
sida RBC xogaha ay ku halayso ciidankan ayaa lug kaga baxay magaalada Muqdisho si ay u gaaraan deegaanada gobolada Dhexe.
Maamulka Galmudug deegaano ka mid ah waxaa ka taagan dagaal u dhaxeeya dadka deegaanka iyo Al- Shabaab.
dowladda Federaalka dhankeeda waxa ay sheegtay in xoogga ay saari doonti sidii looga adkaan lahaa kooxda Al- Shabaab oo hadda dagaalo ay kaga furan yihiin meelo badan oo dalka ah sida gobolka Hiiraan.
Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kol hore sheegay inuu xirmay wadadii wada hadalka ee Al- Shabaab keliya uu furan yahay dagaalka ka dhanka ah Al- Shabaab.
Leave a Reply