Safarka Xasan Sheekh oo KENYA oo daaran laba ujeedo oo kala duwan.

Safarka Xasan Sheekh oo KENYA oo daaran laba ujeedo oo kala duwan.

Nairobi (Raxanreeb )- Madaxweynaha Somaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa safar ku tagay magaalada Nairobi,  ee dalka Kenya ka dib markii martiqaad uu ka helay Madaxwaynaha Kenya William Ruto.

inkasto aysan faah-faahin Villa Somalia qorshaha safar haddana waxaaa soo baxay warar sheegayo inuu Madaxweynaha halkaasi utagay xoojinta xariirka labada dal iyo arimo quseeyo maamulka Jubbaland.

Xasan Sheekh ayaa bishii hore ee April labo jeer tagay Nairobi, mid ka mid ah safarkaas wuxuu uga qeyb galay shirka Madaxda Afrika iyo Bangiga Adduunka.

Safarka maanta ayaa la sheegay inuu yahay mid Madaxda Kenya iyo Soomaaliya ku xoojinayaan isbaheysigooda dhanka Gobolka.

Waxaana arrimaha gaarka ah ee ka wada hadlayaan ka mid ah booqashada rasmiga ah ee Madaxweynaha Kenya William Ruto uu 23 bishan May ku tagayo dalka Mareykanka, kaddib martiqaad rasmi ah uu ka helay Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden.

Leave a Reply

Your email address will not be published.