Dhuusamareeb (Raxanreeb) Guddoomiyaha degmada Ceelbuur, Nuur Xasan Guutaale, ayaa sheegay in ay dileen xubno ka mid ah kooxda Al Shabaab ka dib dagaal ka dhacay duleedka degmada Ceelbuur.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in laba sarkaal oo Al- Shabaab ah ay ku dileen dagaalkaas oo mudo saacada ah soconayay.
Marka laga yimaado warka Guddoomiyaha si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay dagaalka labada dhinac ku dhaxmaray ciidanka Galmudug iyo kuwa Al Shabaab.
Ma jirto dhanka Al-Shabaab wax war ah oo ay ka soo saareen dagaalka ka dhacay duleedka degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.
Xaalada goobihii lagu dagaalamay aya degan , waxaana si caadi ah u shaqaynaya adeegyada bulshada.
Dhawr jeer oo hore ayey kooxda Al-Shabaab weerar sidan oo kala ah ku soo qaaday degaanada maamulka Galmudug
Leave a Reply