Saraakiil Al- Shabaab ah oo lagu dilay Shabeellaha Hoose.

Raxanreeb ( Muqdisho ) Saraakiil ka tirsan Hayadda Nabad sugidda ayaa sheegay in howlgal gaar ah ay ku dileen xubno ka mid ah kooxda Al- Shabaab.

Waxa ay ku warameen Saraakiisha Dowladda in bartilmeed ay ahaayeen xubnahan ka tirsan Al- Shabaab ee ay ku dileen howlgalka oo ka dhacay deegaanka Basra ee Shabeellaha Dhexe.

” Ciidanka NISA ayaa howlgal ka sameeyey Tuulooyin u dhow deegaanka Basra ee wadada xiriirisa degmooyinka Balcad & Afgooye, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal kooban” sidaas waxaa sheegay sarkaal ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Waxa ay ku warameen saraakiishan Dowladda in sagaal xubnood oo ka mid ah kooxda Al- Shabaab ay lagu dilay howlgalkan ka dhacay deegaanka Basra ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Dagaalka ka dhacay deegaanka Basra ka hor howlgalkan lama soo sheegin wax khasaaraha oo ka dhashay oo kala gaaray labada dhinac.

Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in ay muujiyaan , wada- shaqayn ciidanka dowladda si loogu guulaysto , in meesha laga saaro – kooxda Al- Shabaab.

Degaanka Basro ee Shabeellaha hoose ayaa ka mid ah deegaanada in muddo ah gacanta ay ku hayeen kooxda Al- Shabaab , halkaas oo ay ku lahaayeen , Maxkamado ay ka maamulaan magaalada Muqdisho.

Leave a Reply

Your email address will not be published.