WARBIXIN :Qorshaha MD Xasan ee ah inuu saldhig ka dhigto Cadale Sh.Dhexe

Muqdisho (Raxanreeb ) Ilo xog – ogaal ah oo ku sugan Villa Soomaaliya ayaa RBC u xaqiijiyay in maalmaha soo aadan in Madaxwaynaha Soomaaliya uu qorshaynayo inuu dego deegaanka Cadale ee Shabeellaha Dhexe.

Deegaankan waxaa maalmo ka hor gaaray ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa laga qaaday Madaxtooyada isla markaana horudhac u ah in Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu dego deegaanka Cadale ee Shabeellaha Dhexe.

Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la xaqiijinayaa inuu xiran doono tuutaha ciidanka si loo dardar galyo howlgalada ujeedkooda uu yahay in la jabiyo kooxda Al- Shabaab oo dagaalo ay kaga furan yihiin meelo badan oo dalka ah.

Ammaanka Deegaanka Cadale ee Shabeellaha Dhexe ayaa aad loo adkeeyay sida ay sheegayaan wararka RBC uu ka – helayo deegaankaas oo uu Madaxwaynaha ku shaqayn doono .

Qorshahan ah in Madaxwaynaha Soomaaliya uu degayo Shabeellaha dhexe gaar ahaan deegaanka Cadale ayaa socday tan iyo markii gobolada qaar ay ka bilowdeen howlgalada ka dhan ah Al- Shabaab.

Lama oga inta ay qaadan doonto in Madaxwaynaha Soomaaliya uu sii joogi doono deegaankaas iyo sida suurtalgal u noqon doonto in Madaxwaynaha Soomaaliya fariisimo halkaas ka dhigto xili dalka uu ku jiro xaalad dagaal.

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud oo ah Taliyaha ciidanka Qalabka Sida ayaa marar badan waxaa uu ku celceliyay in aan wax wada hadal ah lala gali doonin kooxda Al- Shabaab ee wadada keliya ee furan ay tahay in dagaal lagu qaado.

Xildhibaanno iyo xubno ka tiran Golaha Wasiirrada, ayaa caasimadda ka wada abaabulka kulamo u jeedkoodu yahay in la abaabulo beelaha Soomaaliyeed gaar ahaan beelaha Hawiye, si dalka iyo degaannada beeshu degto looga xoreeyo Kooxda Al-Shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published.