Muqdisho (Raxanreeb Online): Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Muqdisho ku soo dhoweysay cutubkii ugu horreeyay ee Guutada 21-aad, Qaybta 1-aad ee Gorgor, oo ah guuto dhammaystiran, kaddib markii ciidamadu tababar ku soo qaateen dalka Turkiga.
Diyaaraddii keentay cutubka Gorgor ayaa sidoo kale qaaday cutubyadii ugu horreeyay ee Guutada 22-aad, kuwaas oo uu wehlin doono Ururka 20-aad ee Guutada 20-aad, si ay tababar ugu soo qaataan Turkiga.
Qorshaha labada dowladood ayaa ah in diyaarad kasta oo cutub ciidan kasoo qaadda Turkiga ay isla diyaaradda dib ugu qaaddo cutub kale oo tababar u aadaya dalkaas.
Sida xogta laga helayo, gaadiid culus iyo hub noocyo kala duwan leh oo loogu talagalay Guutada 21-aad ayaa habeen ka hor soo gaaray magaalada Muqdisho.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa la filayaa inuu goob joog ka noqdo xafladda furitaanka tababarka dufcaddii ugu horreysay ee Guutada 22-aad.

Leave a Reply