Saraakiil ka tirsan Ciidanka xoogga oo gaaray deegaanka Baxdo

Saraakiil ka tirsan Ciidanka xoogga oo gaaray deegaanka Baxdo

Muqdisho (Raxanreeb) Saraakiil katirsan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa gaaray degmada Baxdo ee gobolka galgaduud maamulka Galmudug waxaana saraakiishu ay u kuurgaleeyeen xaaladda amni ee deegaankaasi Baxdo, kaddib dagaal dhowaan ka dhacay oo u dhaxeeyay xooggag ka tirsan  dagaallamayaasha Al-Shabaab iyo dadka deegaanka.

Saraakiishan waxaa hoggaaminayay taliyaha guutada 1aad qeybta 12-ka April G/sare Xasan Maxamed Abuukar Jaamici, waxaana isaga oo ka hadlayay magaalada uu mahadceliyay dadka deegaanka uu sheegay in iyagu ay mudnaan gaar ah leeyihiin, isaga oo carrabka ku dhuftay in ciidanka ay garab taagan yihiin dadka degmada Baxdo.

“Annagu hadda waa iska soconaa raggii halgamay oo sharaftii Baxdo iyo deegaanka soo saaray waa adinka, annagu waxaan idin leenahay hambalyo, waan idiin hambalyeynaynaa, intii naga dhimatay Allah unaxariisto, inta naga dhaawacantay Allah u booga-dhayo, inaad sharaf iyo cisi ku noolaato iyo inaad  ku dhimato waxba kaagama dhexeeyaan” ayuu yiri.

Dadka ku dhaqan Degmada Baxdo ayaa dhowaan magaalada kula dagaalamay Al-shabaab, kadib markii xooggag ka tirsan ay ku soo qaadeen weerar, kaas oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in ay sii socon doonaan howlgallada ka socda deegannada dowlad goboleedka Galmudug.

Leave a Reply

Your email address will not be published.