Hay’adda saadaasha hawada ee Hindiya IMD oo ka digtay Roobab mahiigaan ah

Hay’adda saadaasha hawada ee Hindiya IMD oo ka digtay Roobab mahiigaan ah

Muqdisho (Raxanreeb) Hay’adda Saadaasha India (IMD) ayaa ku dhawaqday in maanta uu da’I karo roob xooggan oo dabaylo & Daadad badan wata oo saameyn kara Dad badan oo deegaan ku ah Deegaannada Xeebta leh ee Dalkaas.

Dadka ayaa looga digay in ay ku safraan meelaha sida gaar ah loogu badinayo in Roobkaas xooggan uu ka di’I karo si looga hortago halis naf ee soo gaari karta ama ugu yaraan in aysan go’doon gelin.

Hay’adda ayaa sheegtay in Dhulka kore ee Buuraha ah ay Biyo Badan ku rogi karaan meelaha togga ah (Biyo isugu tagi karo) taasina ay halis ku tahay Dadka ku nool oo ay uga digtay IMD in ay ka feejignaadaan halistaas dhici karta.

Qaybo kala duwan oo Dhulka India waxaa haatan ka da’aya Roob xooggan oo biyo badan dhigay waddooyin & Xaafado, halka ay suuragal tahay in roobkaas uu ku da’o waddamada Badweynta India kulaala.

Meelaha sida gaar ah ay u sheegtay Hay’adda Saadaasha India waxaa kamid ah Koofur Galbeed Badda Carabta, in badan oo Xeebaha Soomaaliya, Koofurta Srilanka & meelo kale oo Kalluumeysatada looga digay in ay tagaan Hindiya, Roob xooggan oo ka da’ay Gobollo dhowr ah waxaa ka dhashay 16 ruux, 8 qof ayaa la waayay oo waxaa socda baadi-goobkooda halka ay go’doon kale Daraasiin kale oo isugu socodka Deegaannadooda go’ay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.