Muqdisho (Raxanreeb ) Sarkaal loo magacaabay Agaasimaha waaxda adeega Guud ee Madaxtooyada ayaa lagu bilaabay baaritaan xaga amniga dib weeraradii hoobiyaasha ahaa ee ka dhacay Aga-gaarka Madaxtooyada Soomaaliya
Agaasimahan oo lagu magacaabo Axmed Cabdi Khaliif ayaa Hay’adda Nabad sugida waxa ay ku wadaa baaritaan la xiriira wax ka ogaanshaha weeraradii hoobiyaasha ahaa ee ku dhacay meelo ka mid ah hareeraha Madaxtooyada.
Sarkaalkan ayaa la sheegay in u uku yimid ka dib markii dhawaan uu soo – magacaabay Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya Senotor Xuseen Sheekh Maxamuud.
Laamaha amniga ee Villa Soomaaliya wali kama aysan hadlin baaritaanka Agaasimaha waaxda adeega Guud ee Madaxtooyada Soomaaliya.
Si kasta saaka meelo ka mid ah magaalada Muqdisho waxaa ku soo dhacay tiro hoobiyaal ah kuwaas oo gaystay khasaare kala duwan oo naf iyo maalba leh
Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda wararkan, inkasta oo Al-Shabaab ay inta badan sheegato mas’uuliyadda weerarrada noocan ah.
Dowladda Federaalka ayaa maalmihii la soo dhaafay waxa ay wajahaysay falal amni darro oo saamayn xoog badan ku yeelatay bulshada gobolka Banaadir kuwaas oo dalbanaya in wax laga qabto in xaaladu faraha ka sii bixin.
Leave a Reply