Maxay yihiin Farsamooyinka Axmed Madoobe si uu u sii joogo Jubbaland ?

Maxay yihiin Farsamooyinka  Axmed Madoobe si uu u sii joogo Jubbaland ?

Muqdisho (Raxanreeb )  Madaxwaynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa ah Madaxwaynaha keliya ee maamul- goboleed ah oo muddo dheer jooga xukunka oo aan ku dhicin wax isbedel ah.

Muddo sanad ah ayuu Axmed Madoobe ku darsaday  xil hayntiisa , taas  oo dhalisay su’aalo badan oo ku gadaaman  sababaha keena in Axmed Madoobe  uusan u  bananayn xukunka maamulka Jubbaland oo inta badan ay  maamulaan Al- Shabaab.

Madaxwaynaha muddad kordhistay  ee Jubbaland Axmed Madoobe   inta uu joogay waxa  xukunka wareejiyo saxiibadii maamul- goboleedyada kale , waana ninka keliya aan marnaba ka dhaqaaqin  maamulka Jubbaland.

‘’ Axmed Madoobe waxa uu eegtaa mar kasta xaalado  taagan  oo uu ka faa’idaystaa isagoo gacan ka helayo siyaasiin kale oo danahiisa ka dhax arka ,  waxaa uu og yahay Axmed waxa gadmayo iyo waxa aan gadmeyn ‘’ sidaas waxaa sheegay Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Salaad (Oomaar).

15 May 2013-kii wuxuu ku guulaystay Axmed  doorashadii madaxtinimada ee maamulkii Jubbaland ee la dhisay oo khilaaf badani ka dhashay, tan iyo xilkaas Axmed ma jirin wax isbedel ah oo ku  yimid waxaana muuqanaysa in  xiligaas iyo hada la is waydiinaya sababaha joogistiisa markale Oomaar ayaa yiri.

‘’Axmed ma doonayo qof ka naxaya Jubbaland , waxa uu doonayaa qof iska Micrphone- u ah eeg  xubnaha ku hareeraysan waa kuwo fakarkiisa ku shaqeeya xilna  ku qanciyay  mana doonayo in isbedel uu dhaco ‘’

Dowladda Federaalka ee Xasan Sheekh Maxamuud oo ka aamusan talaabadii Axmed Madoobe ee muddo kordhinta ayaa la aaminsan yahay in ay furi karto in maamulada kale muddada joogitaankooda ay wax ku darsadaan taas oo caqabad ku noqon doonta maamulka hadda jira

‘’ Axmed Madoobe waxa uu la diraray  Cabdullaahi  Yuusuf isagoo magac diimeed wata , waxaa uu la dagaalay Sheekh Shariif isagoo magaca kale wata si la mid ah Xasan Sheekh Farmaajo dhamaan maka qaldan yihiin hadana waxa uu markale la is qaban doonaan Xasan Sheekh  ‘’ Sidaas waxaa hore  u sheegay Taliyihii Hay’adda NISA Fahad Yaasiin.

Axmed Maxamed Islaam ayaa  muddo ahaa shakhisyaadka ugu cadcad siyasaadda gobollada Jubbooyinka oo magaalada ugu weyne ee Kismaayo dekeddeeda dhaqaale badani ka soo baxo.

Wuxu  soo qabtay xilal kala ah :

2006: Gudoomiyaha Jubbada Hoose – Maamulkii Midowgii Maxkamadaha Islaamiga ah.

2009: Xubin sare oo ka tirsan ururkii Xisbul Islaam

2010: Taliyaha ciidamada Xisbul Islaam ee gobollada Jubbada Dhexe iyo Jubadda Hoose.

May 2010: Wuu ka baxay ururkaa oo wuxu noqday markii dambe ka mid noqday hogaanka ururkii Raas Kaambooni.

2013 Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland oo ilaa iyo hadda ah Madaxwaynaha  maamulka Jubbaland.

Lama oga waqtiga Axmed Madoobe uu ogolaan doono in magaalada Kismaayo ee  gobolka Jubbada Hoose uu ka dhaco isbedel la mid ah kuwii hore uga dhacay maamul- goboleedyada kale ee dalka.

W.Q Hanad Ali Guled.

Leave a Reply

Your email address will not be published.