Shabaab dilal ka fuliyay degmada Dhadhaab ee ismaamulka Garissa.

Shabaab dilal ka fuliyay degmada Dhadhaab ee ismaamulka Garissa.

Nairobi (Raxanreeb )- Xaalado cabsi leh ayaa ku xeeran toogasho lagu dilay afar qof oo ka mid ahaa shaqaale dhisayay isbitaal ku yaalla tuulada Bogyar oo hoos-taagta degmada Dhadhaab ee ismaamulka Garissa.

 Booliska Kenya ayaa sheegay in ay baarayaan dhacdadan oo habeenimadii xaley lagu dilay afarta qof xilli ay ku sugnaayeen goob dhismo ay ka wadeen.

Sida ay Booliisku sheegeen waxaa la rumeysan yahay in afartaasi qof ay dileen kooxda AS oo xilliyo kala duwan wareero ka fuliyey gudaha dalka Kenya.

Shaqaalaha  dhismaha cisbitaalka waday ee la dilay ayaa Dhammaantood ahaa dad aan deegaanka u dhalan.

Raggan ayaa dilka loo gaystay xilli ay nasanayeen oo ay shaqada ka baxeen.

Booliska  Kenya ayaa sheegay in ilaa hadda aysan garaneyn sababta shaqaalahan dhismaha waday loogu qaaday weerarka dhimashada dhaliyey waxayna ciidamada Booliska intaasi ku dareen in Meydadka dadka la dilay  la geeyay goob meydadka lagu keydiyo iyadoo la sugayo baaritaanno dheeri ah.

 Tuulada Bogyar oo ku taalla wadada isku xirta Dhadhaab iyo Garissa ayaa ka mid ah meelaha ay ka jirto caqabado dhanka ammaanka ah oo ay sabab u tahay weerarada joogtada ah ee ay kooxda  AS ka geystaan gobolka waqooyi bari Kenya.

 Masuuliyinta Dhadhaab ayaa cambaareeyay falka lagu dilay shaqaalaha dayac-tir iyo dhismo cusub ka waday cisbitaalka tuulada Bogyar waxana sidoo kale dhacdadan wax laga xumada ku tilmaamay dadka deegaanka Dhadhaab iyo Bogyar.

Leave a Reply

Your email address will not be published.