Shabaab & Dowladda oo isku garbinaya magaalada Muqdisho

Muqdisho (Raxanreeb ) Magaalada Muqdisho waxaa ka jirta xaalad adag oo xaga amniga ah ka dib markii dhawaan Al- Shabaab ay sheegeen in ay ka fulin doonaan howlgal ka dhank ah kooxaha Cayaal- weerarada iyo kuw ka ganacsada maan- dooriyaha.

Warka kooxda Al- Shabaab ka dib waxaa magaalada Muqdisho dilal ka gaystay kooxda kuwaas oo beegsaday dad ka ganacsanayay waxyaabaha maanka dooriyaha iyo koox ka mid ah cayaal-weero.

Hay’adda NISA ayaa dhankeeda waxaa ay magaalada Muqdisho ay ka bilowday howlgal laba waji ah kan kowaad   howlgal ay ku doonayso in ay kaga hortagto  falalka amni daro iyo kan labaad in ay ka hortagto howlgalka Al- Shabaab ay sheegeen in ay ka fulinayaan magaalada Muqdisho.

Ciidamo fara badan oo Hay’adda NISA ayaa lagu daadiyay waddooyin badan oo magaalada Muqdisho ah kuwaas oo doonaya in magaalada Muqdisho aysan ka dhicin howlgalka Al- Shabaab ay sheegeen in ay kaga hortagaan kooxaha cayaal weerada.

Dad badan oo magaalada Muqdisho ku nool ayaa sheegay in talaabadan is garbinaysa ay saamayn ku yeelan karto  guud ahaan nolosha dadka ku nool  caasimadda.

Magaalada Muqdisho waxa dhibaato ba’an ku haya kooxaha cayaal weerarada iyo dadka ka ganacsada waxyaabaha maanka dooriya waxaana marar badan Ciidanka Dowladda ay soo bandhigeen  kooxaha falalka amni gaysanaya.

Si kastaba lama oga sida xaalada magaalada Muqdisho isku bedeli doonto marka loo eego warka ka soo baxay kooxda Al- Shabaab ee ka dhanka ah kooxaha cayaal weerada iyo kuwa maandooriyaha ka ganacsada.

Leave a Reply

Your email address will not be published.