Guddoomiayaha Maxkamadda Sare Shuute oo ku go’doonsan Doolow Gedo

Raxanreeb  (Doolow Iska hor imaad gaystay dhimasho iyo dhaawac ayaa maanta oo  isniin ah ka dhacay degmada Doolow ee gobolka Gedo.

Dagaalkan oo muddo saacado ah ka socday gudaha degmada Doolow ayaa dhaxmaray ciidamo ka wada- tirsan Gargor kuwaas oo isku khilaafay askari la sheegay inuu dilay wiil Bajaajla ahaa.

Waxaa ku geeriyooday dagaalkan maanta ka dhacay degmada Doolow ee Gedo madaxa ilaalada Garoonka degmadaas  Maxamed Xuseen (Ganeey).

Waxaa magaalada Doolow ku sugan guddoomiyaha maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, oo  u tagay kiiska dilka  halkaas ka dhacay.

Ilaa hadda ma cadda xaaladda, waxaana garoonka magaalada ku go’doonsan guddoomiyaha maxkamadda sare Gaashaanle Sare Shuute iyo saraakiisha maxkamadda ciidamada.

Maamulka degmada Doolow ee gobolka  Gedo ayaa wada waan waan ku aadan sidii xiisada loo dejin lahaa , inkastoo aan la ogayn sida ay wax  isku bedeli karaan.

Si kasta xaaladda degmada Doolow ayaa lagu soo waramayaa in  maanta caga badan ku taagnayn oo waddooyinka qaar waxaa lagu arkayaa ciidamo fara badan oo aag isugu jira.

Leave a Reply

Your email address will not be published.