Muqdisho (Raxanreeb ) Kooxda Al- Shabaab ayaa magaalada Muqdisho ka fuliyay dilal dhawr ah oo ay la beegsadeen sida la sheegay kooxo cayaal- weerara ah oo dhibaato ku hayay shacabka Muqdisho.
Degmooyin dhawr ah oo magaalada Muqdisho ayaa kooxda Al- Shabaab waxa ay ku dileen dad lagu qiyaasay ku dhawaad 10 qof oo inta badan la sheegay in ay u badnayeen kooxaha cayaal-weerada.
Yaqshiid iyo Huriwaa ayay kooxda xalay waxa ay ka fulisay dilalkan sida ay sheegeen dad ku sugan degmooyinkaas oo la hadlay warbaahinta gudaha.
Kooxda Al- Shabaab ayaa sheegtay in weerarka koowaad oo ay ka fuliyeen goob lagu isticmaalayay maan dooriyaha oo ku taala Xaafada Cali Turcaaye ee degmada Heliwaa ee magaaalada Muqdisho.
Majirto wax war ah oo weeraradan ay ka soo saareen laamaha amaanka ee dowladda Soomaaliya.
Kooxda Al-Shabaab ayaa maalmo ka hor sheegtay in Muqdisho ay ka bilaabeyso howlgal nooc cusub ah oo ay ku beegsaneyso ciyaal weerarada & ragga ka ganacsada maandooriyaha.
Leave a Reply