Shacab ku dhintay qarax miino oo ka dhacay duleedka Kismaayo.

Kismaayo ( Raxanreeb ) Wararka ka imaanaya Galbeedka Kismaayo  gaar ahaan inta u dhaxeysa Degaanka Cabdala Ciroole iyo magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay qarax miino.

Gaari ay saarnayeen dad shacab ah ayaa lagu soo waramayaa in qaraxa uu qabsaday halkaasi oo ay ku geeriyoodeen  sadax qof halka tira intaa ka badana ay ku dhawacmeen.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamo gurmad ah oo ka  baxay  magaalada Kismaayo ay gaareen goobta uu qaraxa uu ka dhacay isla markaana soo qaaday dadka dhaawac ah.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxa waxyeelada ay ka soo gaartay dadka shacabka ah , mana jirto wax hadal ah oo maamulka Jubbaland uu ka soo saaray qaraxa.

Marar badan ayaa sidan oo kale qaraxyo waxyeelo u gaystay dad shacab ah waxa ay ka dhaceen deegaano badan oo ka mid Jubbaland.

Leave a Reply

Your email address will not be published.