Muqdisho ( Raxanreeb ) Hay’ adda Nabad sugidda Qaranka ayaa maanta oo Jimcaha magacowday Taliyaha Nabad sugidda Gedo ka dib markii dhawaan la dilay Taliyihii hore.
Taliyaha Nabad sugidda Gedo ayaa loo magacaabay Gen Jamaal Xasan Sareey oo ka mid ahaa saraakiisha laga yaqaano gobolka Gedo.
Saraakiisha Gobolka Gedo ayaa sheegay in ay soo dhawaynayaan magacaabista Taliyaha nabad sugidda gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.
Degmooyinka gobolka Gedo ayaa ka mid ah deegaanada ay ka jiraan iska hor imaadyada u dhaxeeya ciidanka Dowladda iyo kooxda Al- Shabaab , isla markaana ay ka howlgalaan ciidanka NISA.
Taliyihii hay’adda NISA ee gobolka Gedo, ayaa dhawaan lagu dilay qarax lagula eegtay isagoo safar ku marayay inta u dhaxeysa degmooyinka Luuq iyo Doolow ee gobolka Gedo.
Leave a Reply