Sharciga diwaan- galinta muwaadiniinta oo la meelmarinayo.

Raxanreeb (Muqdisho) Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi, ayaa soo xiray kulan howleed soconayey muddo afar maalin ah, kaas oo looga arrinsanayay helidda nidaam diwaangelin iyo tirakoobka qaran.

waxaa uu ka sheegay in loo baahanyahay in diiwaangelinta la waafajiyo .

halbeegyada caalamiga isaga oo yiri “Diiwaangelinta dhacdooyinka muhiimka ah ee hadda dalka ka jira waa in la waafajiyo halbeegyada caalamiga ah, waana arrin muhiim ah in aan isla fahanno meesha aan taagannahay”.

Dhanka kale, wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macalllin Fiqi ayaa ku booriyey hey’adaha ay khuseyso in ay qeybtooda ka qaataan hirgelinta diwaangalinada waafaqsan habraacyada

“Dhammaan heya’daha kala duwan waa in ay aqoonsadaan keliya diiwaangelinada waafaqsan habraacyada marka xeerkoodu soo baxo”. Mudane Axmed Fiqi waxaa uu ku dhawaaqay oo kale in bilowga bisha December ee sanadkan ay wasaaraddiisu qaban doonto shirwayne qaran oo lagu ansixinayo siyaasada Qaran ee diwaangalinta waxaa uuna ka yiri “Bilowga December, waxaan qaban doonnnaa shirweynaha qaran ee ansixinta sharciga Diiwaangelinta Madanigaa, iyada oo la geyn doono goleyaasha dowladda si loo meelmariyo” isaga oo intaa raaciyey “Waxaa la sameyn doonaa barnaamij electronic ah oo haddaba ay joogto dalka hey’addii NADRa ee sameyn laheyd”.

Leave a Reply

Your email address will not be published.