Muqdisho (Raxanreeb ) Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xabsiga dhigtay Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Hiiraan Col isaaq Cali Cabdulle sida ay ilo xog-ogaal ah xaqiijiyeen.
Shalay galab ayaa Ha’yada CID-da u yeertay Taliyaha oo Muqdisho maalin ka yimid kadibna xabsiga ayaa la dhigay sida ila muhiim ah sheegayaan.
Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali jeyte Cismaan ayaa shalay Xafiiska Xeer-ilaalinta faray inay baaris ku sameeyso Taliyaasha Booliska iyo sirdoonka Gobolka Hiiraan kadib Qaraxyadii Magaalada Baladweyne gilgilay.
Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jayte ayaa meel- fagaaraha ka sheegay maanta oo Arbacaha in muhiim ay tahay in xilka laga qaado saraakiisha ciidan ee isugu jira boolis iyo Nabad sabab ku saabsan dayaca amniga.
Wuxuu ka codsadey dowladda Soomaaliya in labada taliyeyaasha qeybta ee booliiska iyo nabad sugidda ay ku sameyso baaritaan, maadaama ay dayaceen mas’uuliyaddii loo soo igmadey.
Leave a Reply